Kismayo,(insidesoamlia.org)-Sarkaalka la xiray oo lagu magacabo Col Iraad Max'ed Cali ayaa la shegay in uu ka soo laabtay marka la xirayay degmada Ceel waaq ee gobolka Gedo isagoo ku soo jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Sida wararka lagu helayo waxaa ay sheegayaan in sarkaalkani ay niman hubeeysan ka qabteen degmada Dhooleey isagoo shidaal u soo doontay gudaha degmadaasi.
Macada Sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xariga sarkaalkasi loo geeystay hase yeesheen Cabdirisaaq Aada Faarax oo ka tirsan saraakiisha maamulka magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu idaacada Shabelle u sheegay in ay la yaaban yihiin sababta sarkaalkasi loo xiray isla markaana ay xirir kala sameeyeen odayaasha beesha iyo culumaa'udiinka gobolka Jubada hoose oo ay kala hadleen sidii loo sii deeyn lahaa sarkaalkasi.
Xariga sarkaalkani ayaa waxaa uu buuq ka dhaliyay gudaha magaalada Kismaayo iyadoo ay hada socdaan sidii loo sii deyn lahaa sarlkaalkaasi.
Waxaana uu sarkaalka u hadlay maamulka magaalada Kismaayo ee Cabdirisaaq Aada Faarax uu meesha ka saaray warar sheegay in sarkaalka la afduubatay uu ka yimid dhanka dalka Ethiopia halkaasi oo uu kula soo kulmay saraakiil Itoobiyaan ah isla markaana ay ka wada hadleen xaaladaha gobolada Jubooyinka waxaana uu sheegay in ay baarayaan wax ka jira wararka la isla dhex marayo.